Wadatashi

Talo ku socota dadka ay dhibaatadu soo gaartay

Dadka soo maray weeraradu waxay dareemi karaan caawimaad la’aan iyo kalinimo. Adeegga la-talinta ee Niedersachsen adiga ayuu kuu diyaar yahay marka aad annaga noo baahatid. Waxaan garab istaageynaa dadka ay dhibaatadu soo gaartay waxaana matalnaa aragtidooda iyo ra’yigooda. Waxaan ku siinaynaa waqti waxaanna kula sameeynaynaa wadahadal faahfaahsan.

Wir sind auch online für Sie da!

Die Betroffenenberatung Niedersachsen bietet auch Online-Beratungsgespräche an! Einen Termin können Sie dafür entweder telefonisch oder per E-Mail direkt bei uns vereinbaren. Wir nutzen datenschutzkonforme Plattformen, sodass Ihre Daten zu jeder Zeit geschützt sind. Das bedeutet, dass wir keine Daten speichern oder an Dritte weitergeben. Niemand außer den Berater*innen erhält Zugriff auf die Gespräche oder weitere Informationen. Auch bei dieser Art der Beratung gilt Vertraulichkeit, (auf Wunsch) Anonymität und Unabhängigkeit.

Halkaan waxaa ku qoran tusaalooyin ah sida aan kaaga caawin karno la-tashiga:

  • Waxaan kaa caawineynaa falanqeynta shucuurta ah ee waxa aad soo martay iyo, haddii aad rabto, waxaan kaa caawin doonaa qorsheynta taageerada daaweynta
  • Waxaan kuu sheegi doonaa xulashooyinka sharciyeed, sida cabashada, talaabada sharciyeed, ilaalinta dhibanaha, iwm.
  • Haddii loo baahdo, waxaan kuu raaci doonaa booliiska, xarunta talobixinta sharciga, maamulka iyo daaweynta caafimaadka
  • Haddii ay noqoto dhageysiga maxkamadda, waxaan kaa caawinaynaa diyaarinta hanaanka waxaana kuu raacaynaa dhageysiga
  • Waxaan ku tuseynaa fursadaha maalgelinta iyo magdhowga waxaana kugu caawinaynaa codsashadooda
  • Si wada jir ah ayaan u sameeynaynaa tallaabooyin muddo-dheer ah oo lagu wanaajinayo xaaladdaada nololeed
  • Waxaan abuureynaa fursado oo fikradaha la iskula dhaafsanaayo dadka kale ee ay dhibaatadu soo gaartay
  • Markaad codsato, waxaan dadweynaha si cad ugu sheegi karnaa dhibaatada xisbiyada xaqjirka ah, kuwo cunsuriyadda ama rabshadaha naceybka Yuhuudda

Dhamaan wada-tashiyada waxay u dhacayaan si waafaqsan baahidaada shaqsiyeed. Kooxdayadu waxay hawlgalayaan oo keliya ka dib markay kula tashtaan.

Adeegeena waa mid ikhtiyaari ah, qarsoodi ah oo bilaash ah.

XIRIIR

Sida na noola soo xiriiro:

Gobolka Waqooyiga Galbeed ee Niedersachsen


Exil e.V
Telefoonka: 0541 38069923
Moobaylka: 0157 37967272
nordwest@­betroffenenberatung.de

 

Gobolka Woqooyiga bari ee Niedersachsen


CJD Nienburg
Telefoonka: 05021 971111
betroffenenberatung.nds.nordost@cjd.de

 

Gobolka Koonfurta Niedersachsen


Asyl e.V
Moobaylka: 0179 1255333 / 0159 06390203 / 0159 06849290
sued-nds@­betroffenenberatung.de

Talo ku socota qaraabada iyo markhaatiyaasha

La tacaalida weerarada xisbiyada xaqjirka ah, kuwo cunsuriyadda ama rabshadaha naceybka Yuhuudda ee ka dhaca qoyska iyo saaxiibbada waxay walaac ku abuuri kartaa qaraabada iyo asxaabta. Badanaa dadka ku dhow kuwa ay dhibaatadu soo gaartay ma yaqaanaan sida loola macaamilo xaaladda. Su’aalo ayaa soo baxa sida: “Sideen u caawin karaa?”, “Miyaan dhihi karaa wax qalad ah?” Ama “Miyay tahay inaan hadda baqo aniguna?”. La-taliyayaasheena ayaa isku dayi doona inay si wadajir ah kuula raadiyaan jawaabaha su’aalahan. Waxaan bixinaa taageero shucuureed waxaana kugula talineynaa siyaabaha lagu caawin karo dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

Sidoo kale waa kula talineynaa haddii aad goob joog u ahayd dhacdo. Dadka goobjoogga u ahaa ama u kuurgalay fal ka dhan ah aadanaha ayaa badanaa dareema culeys/walwal. Intaas waxaa sii dheer su’aalaha ku saabsan sida hore loogu sii socdo, dareenka dembiilnimada iyo cabsi ayaa laga yaabaa inay soo baxaan. Waxaan kaa caawinaynaa inaad ka warbixiso dhacdada waxaana kaa caawinaynaa sidii aad ula tacaali lahayd oo aad ula qabsan lahayd.

Xitaa haddii ay kaa go’an tahay wada noolaansho dulqaad leh oo ka dhan ah cabsi iyo nacayb, wali waxaad la kulmi kartaa rabshadaha xisbiyada xaqjirka ah, kuwo cunsuriyadda ama rabshadaha naceybka Yuhuudda. Waxaan kugu caawinaynaa inaad ka fikirto oo aad ka falanqeyso khibradahaan waxaana kugula talineynaa istaraatiijiyadaha aad isticmaali karto mustaqbalka si aad ula qabsato.

Sideen kuula talinaynaa?

Taladeenu waxay ku dhacdaa qaab ikhtiyaari ah waxayna ku saleysan tahay baahiyahaaga. Haddii aragtidaada ay wax iska bedelaan weerarka kadib, waxaan kaa caawinaynaa inaad (dib uhesho) ilahaaga shaqsiyeed iyo xoojinta aragtida aad ka qabto naftaada. Waxaan ixtiraameynaa deegaanka ay ku nool yihiin iyo go’aanada macaamiisheenna oo waxaan si wadajir u raadineynaa xalal: Adiga ayaa go’aaminaya talaabooyinka aad rabto inaad qaado.

Waxaan kuula talineynaa si shaqsi ahaan ah iyo sidoo kale taleefan ama wicitaan fiidiyoow ah. Ahmiyada aan leenahay ayaa ah inaad dareento amaan iyo aqbalaad.

Shaqadeenu waa…

  • Qarsoodi. Dhamaan wadahadalada waa kuwo qarsoodi ah. Waxaan sidoo kale talada u bixin karnaa si qarsoodi ah markii nalaga codsado.
  • Qaab aan habraacyo badan lahayn. Waa la talinaa qof walba iyadoon loo eegin xaaladooda degenaansho.
  • Qayb ahaan. Waxaan garab istaageynaa dadka ay dhibaatadu saameysey waxaana ka shaqeynaa danahaaga.
  • Ku salaysan baahi. Waxaan u shaqeynaa sida ay rabaan oo ay u baahan yihiin dadka ay dhibaatadu soo gaartay. Taladeena kuma xirnaan karto xareynta cabashada ama fal dambiyeed.
  • Dabacsan. La-taliyayaasheena ayaa ku faraxsan inay ku soo booqdaan wayna kuu imaan karaan haddii loo baahdo.
  • Luuqado badan ah. . Waxaan ka taxadaraynaa wada xiriir ka madaxbanaan caqabadaha luuqada anagoo isticmaalayna turjubaano.
  • Madaxbanaan. Waxaan u shaqeeynaa si ka madax bannaan maamulka iyo hay’adaha kale ee dowladda.
  • Bilaash ah.

Ballan qabso

Haddii aad tahay dhibbane, qaraabo, saaxiib ama goobjooge oo aad u baahan tahay taageero ka dib markuu dhacay weerar ay geysteen xisbiyada xaqjirka ah, kuwo cunsuriyadda ama rabshadaha naceybka Yuhuudda, adiga ayaan halkaas kuu joogna. Waxaan talada u bixinaa si shaqsi ahaaneed, taleefan, iimayl iyo si qarsoodi ah haddii aad rabto.

La xiriir la taliyayaashayada:

Tilmaamaha: Waxa la sameeyo ka dib weerar?

Naftaada meel ay ku badbaado u raadi
Badbaadadaada ayaa soo horeysa! Isku day inaad ka baxsato xaaladda oo aad raadsato meel badbaado leh.

Weydiiso caawimaad
Dadka kale weydiiso caawimaad iyo la hadal markhaatiyaasha dhacdada.

Diiwaangeli dhacdada
Sawir ka qaad dhaawacyadaada, goobta fal dambiyeedka ka dhacay iyo walxaha ku xeeran oo dhan (tusaale, dhagxaha, galaasyada jajabay, dhalooyinka, warqadaha meelaha ku dhegsan, dharka). Waxba ha taaban waxna haka bedelin goobta dambiga ka dhacay!

U tag dhaqtarka
Is baar oo ka codso dhakhtarka inuu diiwaangaliyo wixii dhaawac ah. Haddii xaalada degdeg ay tahay, daaweynta ayaa sidoo kale suurtagal ah haddii aadan haysan kaarka caymiska.

Kaligaa ha noqon
U sheeg qoyskaaga iyo asxaabtaada waxa kugu dhacay. Adigu eed kuma lihid umana baahnid inaad ka xishootid. Kaligaa haku ahaanin dareenkaaga oo u oggolow naftaada in lagu caawiyo.

Qor xusuus qor

    • Qor wixii aad ka xusuusato dhacdada:
    • Goorma iyo xaggee ayay ka dhacday?
    • Maxaa dhacay? Maxaa dhacay intaas kadib?
    • Immisa qof ayaa ku lug lahaa? Sideey u ekaayeen?
    • Waa maxay dhaawacyada iyo burburka ka dhacay halkaas?
    • Markhaatiyaal noocee ah ayaa joogeen goobta maxayse arkeen?

Waxaad la socodsiin kartaa booliska
Adiga ayuu go’aankaaga yahay inaad booliiska wacdo iyo in kale. Waxaad toos u wici kartaa booliska oo aad ka codsan kartaa inay yimaadaan goobta fal dambiyeedka ka dhacay ama aad boliiska u tagi kartaa goor dambe oo aad u sheegi kartaa dhacdada. Khasab ma aha inaad keligaa booliska u tagtid. Waxaa ku wehelin kara ehelkaaga ama asxaabtaada ama shaqaalaha xarumaha talobixinta ee deegaanka. Haddii aad rabto inaad markhaati furto, waxaad xaq u leedahay turjumaan. La xariirida booliska wax saameyn taban kuma lahan joogitaankaada Jarmalka.

Raadso taageero
Xarumaha la-talinta dadka ay dhibaatadu soo gaartay adiga ayay diyaar kuu yihiin! Waan ku caawin doonnaa haddii aad la kulantay rabshadaha xisbiyada xaqjirka ah, kuwo cunsuriyadda ama rabshadaha naceybka Yuhuudda. Waxaan sidoo kale caawinaa qaraabada iyo markhaatiyaasha. Adiga ayaa go’aaminaya inaad u baahan tahay talo shaqsiyeed ama mid qarsoodi ah. Adiga ayaa sidoo kale go’aaminaya halka wadatashiga lagu qabanayo. Adeegeenu waa mid qarsoodi ah, madaxbannaan oo bilaash ah. Waxaad sidoo kale nala soo xiriiri kartaa adigoon haysan waraaqo socdaal oo ansax ah.

Waxaad halkaan ka heli kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan adeegyadayada la-talinta.